Salva kiir oo Aqbalay in Ciidamo Dheerad Ah la geeyo Koonfurta Suudan

Salva Kiir Madaxwaynah koonfurta suudan  ayaa aqbalay ciidamo nabad ilaalin dheeraad ah la geeyo dalkiisa, kaddib booqasho  ay ugu xubno ka socda Golaha Ammaanka maalinimadii shalay magaalada Jubba.

Salva Kiir ayaa horay ugu gacan seyray ciidamadaas, isagoo ku tilmaamay in arrintan ay lid ku tahay madax banaanida Koonfurta suudan .

Hase ahaatee todobaadyo cadaadis dowladdiisa kala kulmeysay Beesha Caalamka ayaa ugu dambeyn keentay inuu aqbalo ciidamo ka socda dalalka Gobolka oo la geeyo dalkiisa.

Ciidamo Nabad ilaalin ka socday Qaramada Midoobey ayaa horay ugu sugnaa dalka Koofurta Sudan, waxaana ciidamada ka socda dalalka Gobolka ay xoojin doonaan ciidamadaas.

Xaalada bani’aadanimo ee dalka Koofurta Sudan ayaa laga deyrinayay, tan iyo wixii ka dambeeyay markii dalkaas uu ka qarxay dagaalo sokeeye, isla markaana kumanaan ruux ku barakaceen.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST