Michael Keating “Waa in Xasan Sheekh xilkiisu ku dhamaado illaa 6-da November

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay muddada xilka ugu eg yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xilliga sharciga ee waqtigiisu dhamaanayo ay muddo shan maalmood ka harsan tahay.

Ergayga gaar ka ah Michael Keating ayaa sheegay in loo baahan yahay in 6-da bisha November wixii ka dambeeya aanu Madaxweyne Xasan Sheekh xilka sii heyn karin, isagoo tilmaamay in Baarlamaanka iyo dowladda hada jirta wixii xilligaas ka dambeeya aanay lahaan doonin awood ay ku qaataan go’aamada waa weyn.

Danjire Michael Keating ayaa ugu baaqay Madasha Hoggaanka Qaranka oo maanta lagu wado in shirkooda u dambeeyay ku yeeshaan magaalada Muqdisho inay ku soo saaraan taariikhda rasmiga ah ee ay ku egtahay xilliga Madaxweynaha.

“Hoggaanka Madasha Qaran waa in ay la yimaadaan Taariikh caddeynaysa xilliga uu ku egyahay waqtiga Madaxweynaha iyo Xukuumadda, waxaan soo jeedineynaa in aysan ka qaadan muddo ka badan Hal Todobaad in lagu kala caddeeyo iney dhaceyso doorashada madaxtinimo 30 October, waxaana rabnaa in xilligii la isku aqbalay ee kama dambeysta ahaa uu dhaqan galo, iyadoo laga gun gaaraya dowladda Federaalka iyo baarlamaanka inaysan qaadanin go’aamo waaweyn xilligaa wixii ka dambeeya”ayuu yiri Danjire Michael Keating.

Madasha Wada-tashiga qaran ayaa horay u shaaciyay in 30-ka bisha October ay dhici doonto doorashada madaxweynaha, iyadoo muddo 50 maalmood ugu daray inay xilka sii hayaan Madaxda dowladda, iyo Baarlamaanka inta Baarlamaan cusub laga soo dooranayo.

Ergayga Qaramada midoobey ayaa uga digay Madasha wada tashiga qaran  in aan wax wada tashi aha ay ku yeelan Qabashada Hogaanka qaran  ee dhawan ka dhici doonta gudaha wadanka soomaliya