Xaalada laascaanood oo Dagan Maanta kadib Rabshadihii Shalay Kadhacay

 

(Puntland Post):-   Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa degen kaddib rabshado waxyeello dhimasho, dhaawac iyo khsaare maaliyadeed ah geystay oo shalay ka dhacay magaladaasi

Ciidan aan badnayn ayaa saakay lagu arkayaa degaanadii ay shalay rabshaduhu ka dheceen, iyadoo khasaarihii soo gaaray meelo ay ka mid yihiin saldhiga booliska, wasaarada hawlaha Guud, Maxkamadda iyo degaanada ku dhow-dhow aa gasi.

Wasiir ku xigeenka cadaaladda oo ka hadlay rabshadihii ka dhacay Degmada Laascaanood ka dhacay ayaa sheegay inay gacmo kale ku jiraan kacdoonkankii shalay gilgilay degmada.

“Waxaa la idiin qoonsanayaa waxbarashadiina, waxaa laga soo horjeedaa horumarka socda, haddii khalad ciidanku geysteen waxbaa laga qabanayaa,” ayuu yiri Yuusuf Af-la-haar oo ka hadlayay rabshadaha, waxaanu intaas ku daray in loo baahan yahay is-maqal iyo deggenaan.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa dadbadan is weydiinayaan sida loo xalinayo xaalado badan oo cakiran oo ay ka mid yihiin; xaaladda Ammaanka oo Maalmihii u dambeeyay ahayd mid sii xumaanaysay.

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST