Gaalkacyo (Puntland Post):- Wararka ka imaanaya deegaanka Bali-busle ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya iska hor,imaad sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo dhex maray labo maleeshiyo beeleed oo kazoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ka dib is rasaaseyn ku dhex martay deegaan magaciisa la yiraahdo Docolo Ooman oo u dhow tuulada Bali-busle.
Iska hor,imaadkan ayaa wararku sheegayaan inuu sababay dhimashada 5 qof oo ah dhinacyada dagaalamay iyo dhaawac tirada intaas ka badan .
Qaar ka mid ah waxgaradka ku nool tuulada Bali-busle ayaa u xaqiijiyey Puntland post iska hor,imaadkan , waxayna sheegeen inuu salka ku hayo Aanooyin iyo Aargoosi labada dhinac ka dhex jiray in muddo ah.
Xaalada deegaanka lagu dagaalamay ayay ku sheegeen dadka la hadlay Puntland Post inay tahay mid wali laga dareemayo kacsanaan iyo xiisad colaadeed .
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST