Wasaaradda Deegaanka,Ilaalinta Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland ayaa maanta Garowe ku qabatay shirkii ugu danbeeyey oo looga arrinsanayo maareynta siyaasadda daaqa Puntland, Iyadoona wasaaraddu kulamo midkan ka horeeyey ay kusoo qabatay magaalooyinka kala ah Qardho,Badhan,Bosaso, Gaalkacyo iyo Buuhoodle, Waxaana kasoo qayb galay kulanka maanta odoyaal dhaqmeed iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda.
Agaasimaha waaxda xiriirka dadweynaha ee wasaaradda deegaanka Cabdiqani Xayir ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulankan, wuxuuna sheegay in shirkan kuwo ka horeeyey wasaaraddu kusoo qabatay magaalo madax-yada Gobolladda Puntland, Islamarkaana uu yahay shirkan maanta ka furma Garowe midkii ugu danbeeyey oo looga doodayo siyaasadda maaraynta daaqa Puntland.
Agaasimaha Waaxda Daaqa iyo Deegaanka Wasaaradda Maryan Maxamed Axmed oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay ka mid tahay siyaasadda maareynta daaqa shuruuc ay muddo badan higsanaysay wasaaraddu si loo dardar galiyo doorka maareynta daaqa iyo ilaalinta deegaanka Puntland.
Maryan Maxamed ayaa intaas ku dartay in Wasaaradda Deegaanka Puntland wada-tashi la samaysay bulshada qaybaheeda kala duwan si looga xog wareysto waxyaabaha ay keeni karto siyaasaddani haddii ay noqon lahayd horumar iyo faa,iidaba oo ku saabsan gabi ahaanba ilaalinta daaqa iyo deegaanka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka, duurjoogta iyo dalxiiska Puntland Muno Daahir Dalmar ayaa ka hadashay shirkan maanta wasaaraddu ka furtay magaalada Garowe , Waxayna sheegtay inay muhiim u tahay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland siyaasadda maaraynta daaqa.
Agaasime Muno ayaa xustay in loo baahan yahay sidii loo dabooli lahaa baahiyaha ka jira dalka, Madaama qowmiyaddo cusub oo wadamo kale ka yimid ay kusoo qul-qulayaan deegaanada Puntland.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST