Taliyaha Bari ”Qofkii imaanaya Bosaso waa inuu wataa “AQOONSI”

3-2Bosaso (Puntland Post):- Taliska Booliska gobolka Bari ayaa howlgal ay sameeyeen Ciidanku magaalada Boosaaso kusoo qabqabtay dad kor u dhaafayey boqol qof.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadkan kusoo qabteen howlgal xiligan ay baaritaan ku wadaan.

“””Cidii aan la aqoon,cidii la garan waayo iyo cidii laga shakiyana ,waxaa ku socda danbi-baarayaal tira badan oo dadkii ugu aqoonta roona Booliska gobolka Bari ah””ayuu yiri

Dadka ugu badan ayaa laga soo qabtay kantaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa uga digay dadka iney iska soo gaalaan magaalada Boosaaso kuwaasoo aan sidan wax aqoonsi ah ama cid damiin ah oo u joogta magaalada lana garanayo.

“”Dadka iska soo aadaya Boosaaso ee imaanaya waa in ay leeyihiin dad kasoo horeeya ,waa in ay aqoonsi leeyihiin ,waa in ay damiin wataan ,waxaan ogolayn in cid aan garaneyn ay magaalada iska soo galaan ama ka baxaan habeenkii””ayuu yiri

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa ka codsaday bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso iney la shaqeeyaan laamaha amniga.

1-3 2-2 3-2 4-1 5 6 7CABDIQANI BOOS
PUNTLAND POST