Rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Laascaanood

Dad caraysan oo gubay gaari ay Ciidamada Boolisku leeyihiin
Dad caraysan oo gubay gaari ay Ciidamada Boolisku leeyihiin

Laascaanood(Puntlland Post)-Rabashado xoogan ayaa ka soconaaya Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool, kuwaas oo ay iskaga hor yimaadeen Dadweyne aad u tira badan oo ka caraysan dilalka qorshaysan ee kusoo badanaaya Magaaladaas iyo Ciidamada Booliska Somaliland ee ku sugan Laascaanood.

Mudaharaadyadan oo siweyn looga dareemay Magaalada Laascaanood ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday hal qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale, sidoo kale Dadweynaha caraysan waxay gubeen gaari ay lahaayeen Ciidamada Booliska.

Dadweynahan mudaharaadaya ayaa weeraray saldhigyada Booliska ee Magaaladaas iyo xabsiga dhexe waxayna dalbanayaan inuu Maamulka Somaliland gabi ahaanba isaga baxo Gobalka Sool oo ay sheegeen inuu qayb ka yahay dilalka sida joogtada ah uga dhacaaya Magaalada.

Dadweynaha mudaharaadaya ayaa wata calanka Soomaaliya, iyadoo Maamulka Somalilandna uu ciidamo badan soo dhoobay wadooyinka, waxaana Magaalada laga maqlayaa rasaas si xoogan u dhacaysa.

Maalmihii u danbeeyey Magaaladaas waxaa ka jiray dilal qorshaysan oo loo geystay qaar kamida indheer garadka Gobalka Sool, iyadoo illaa iminka aan la aqoonsan kooxaha falalkaas geysanaaya, walow uu gobalkaas la daala dhacaayo rabshado hubaysan oo kala wajiya duwan.

PUNTLAND POST