Suuqa Xaafada Islii oo maanta lagu wado in dib loo furo

Suuqa xaafada Islii ee Nairobi Kenya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in mar kale dib loo furo kadib saddex maalmood oo shaqo joojin ah ay dukaanleydu ku dhaqaaqeen.

Iyagoona cabasho ka mujiyeye  waratada hortooda wax ku iibisa  islamarkaan ay ku rideen suuq la aan iyo ciriiri ,

Waxaa sidoo kale dukaanleydu cabasho ka keeneen dhac muddooyinkii u dambeeyay soo batay iyo gawaarida basaska ah ee loo yaqaano matatu(s) oo jidadka si aan munaasab ahayn loo dhigo isla markana xira ama ciriiriga qeyb ka noqda.

Waxayna sida o kale cabsho ka mijiyeen wasaqda iyo qashin ku soo batay guud ahan suuqa iyo xaafada   waxayna sida o kale ay ku dareen in ay  bixiyaan cashuurta nadiifanta gobtan ay yartahay.

Lama hubo weli in mawqif rasmi ah laga gaari doono arinka ama xal oo suuqa la furi doono ama in weli shaqo joojintii dukaanleydu sii socon doonto.

CABIQANI BOOS

PUNTLAND POST