Madaxweyne Gaas oo Gaalkacyo gaaray

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw oo galabtay ah soo gaaray  magaalada Gaalkacyo, Madaxwaynah dawalada puntland Dr cabdiwali maxamed cali gaas oo safar mudo qaatay ugu maqnaa dalka diba diisa ayaa si wan loogu so dhawyey magalada galkacayo ee xarunta gobalka mudug

Madaxweyne Gaas ayaa howlo badan ay sugayaan, waxaana ugu muhiimsan sidii xal looga gaari lahaa mushkiladaha soo laab-laabtay ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana kuwa la xariira dhinaca Galmudug & weerarada Argagixiso.

Madaxweynaha oo dhawaan tagey bishii July ee sannadan, Gaalkacyo wuxuu u sheegay waxgaradka & Bulshada in looga baahan yahay in ay labo uun mid doortaan in ay is difaacaan ama ay madaxa rogtaan sidii gorayadii, taas oo ka dhigneyd in ay dawladdu xoog kasta galisey magaalada

Cabdi wali maxamed cali gaas Madaxwaynah dawalda puntland ayaa la filayaa in uu Magalada Galkacayo uu joogo mudo labo malmod ah halkaas oo uu kulomo kula yeelanyo waxgaradka magalada Galkacayo.

Sidaas oo kale Hurgumooyinka dhinaca Galmudug ka imaanaya ayaa kamid ah arrimaha u baahan xal deg deg ah in laga gaaro, iyadoo la og yahay in dagaalkii Sanadkii ka dhacay magaalada aan ilaa hadda laga wada gaarin heshiis taaba-galay, waxaana dhawaan dib u soo laabtay Damaca Galmudug ee Xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa dhawaan u duuli doono magaalada Muqdisho oo uu kaga qeybgalayo shirarka Madasha Wadatashiga, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Aqalka Madaxtooyada, iyadoo sidaas oo kalena warar kale ay

 

1

CABDIQANI BOOS24

 

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST