Madaxwayne Gaas o ka jawaabay hadalkii Madaxwaynaha Soomaaliya

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goor dhaw Shir Jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo ayaa si kulul uga hadlay hadalkii Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sheegay in ay Puntland tahay labo gobal iyo bar (2.5).

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay Puntland ka tahay gobaladii 18ka ahaa 5 gobal iyo bar, aysana waxba ka jirin hadalka Madaxweynaha dawladda Faderaalka, oo uu yahay mid xaqiiqada dalka looga been sheegay.

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in ay Puntland hadda tahay 9 gobal oo buuxa, kuwaas oo ku talaabsaday Amni iyo kala dambeyn, isagoo sheegay in cid kasta oo ka xun kana soo horjeeda Amniga iyo daganaanshaha dalka ay Dawladda Puntland cadow u tahay.

Mar uu  ka hadlayay arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, wuxuu sheegay in ay meel xasaasi ah marayso Siyaasadu laguna jiro xili  kala guur ah oo ay tahay dhinacyada oo dhan in ay ka shaqeeyaan sidii doorashada dalka loo gaarsiin lahaa.

Madxawyanah dawalada soomaliya xasan Sheekh Maxamuud uu tvga universaltv  lahadalayayey  in ayaa sheegay in ay puntland tahaya labo gobal iyo bara arintaasna waxa si wan uga soo hor jeesatay Shacabka Reer puntland..

CABDIQANI  BOOS

PUNTLAND POST