Bosaso oo lagu daahfuray xeerka maaraynta qashinka qalalan iyo kan ka hara Daawooyinka

Ujeedka Munasabadan ayaa ahayd  mid lagu daah furayo  xeer hoosaadka maaraynta Qashinka qalalan iyo haraadiga ka hara dawooyinka la isticmaalo , Waxaana kasoo qayb galay maamulka degmada Bosaso, Xildhibaano, Waxgarad iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada , Iyadoona ay fududaysay  hirgelinta barnaamijkan Hay’adda UN-HABITAT oo kaashanaysa maamulka Degmada Boosaaso .

Cismaan Maxamuud Cismaan oo ka socday hay,adda UN.HABTIAT oo munasabada ka hadlay ayaa ka sheekayeye marxaladihii kal duwanaa ee uu soomaray xeer hoosadakan  isagoona maamulka dagmada Boosaso ku wareejiyey Buugag uu ku qoran yahay xeer hoosadka maranta qashinka iyo waxyabaha haradiga ah ee ay isticmaalan goobaha caafimadku,

Gudoomiye ku xigeenka dagmada Boosaso  Siciid garoon  ayaa balan qaaday in dhanka maamulka dagamada Boosaso ay hirgalin doonan xeer hoosadkan Bulshadana ay ka wacyi galin doonan ,

Xildhibano katirsan Dagmada Boosaso iyo waxgardkii ka soo qab galaya munasabada aya dhankooda soo dhaweyey xeer hoosadkan iyagoona balan qaday in ay dhankooda ay ka qab qadan doonan sidii loo hir galin lahaa xeerka maranta qashinak qalalan iyo waxyaabaha haradiga ah ee ay isticmaalan goobaha caafimadka …

Xeer Hoosaad (12)

Xeer Hoosaad (11)

Xeer Hoosaad (13)Xeer Hoosaad (15)

Xeer Hoosaad (10)

Abdiqani Boos

PUNTLAND POST