Wasiirka Caafimaadka Puntland oo shir jaraa,iid ku qabtay isbitaalka Garowe

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa uga hadlay  shir jaraa,iid oo uu maanta ku qabtay Isbitaalka guud ee magaalada Garowe qaliimada Wasaaradiisu ku samaynayso 150 haween ah oo laga daaweynayo xanuunka Isku furanka, kuwaas oo kala yimid gobolladda Puntland iyo Kuwa dariska la ah sida gobolladda dhexe.

Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa faahfaahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray barnaamijkan oo si lacag la,aan ah looga faa,iideynayo dumarka uu haleelay xanuunka Isku furanka ,Wuxuuna ugu baaqay inay ka faa,iideystaan howshan Wasaaradda Caafimaadku ka wado  Isbitaalka guud ee magaalada Garowe.

Sidoo kale wasiirka ayaa uga hadlay shirka jaraa,iid qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo uu sheegey waxyeelo ka soo gaartay Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo wuxuuna ugu baaqay shacabka Puntland inay ka qayb qaataan  dib u dactirka Isbitaalka.

Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa sheegey in dhaawac badan ay soo gaareen qaybaha kala duwan ee isbitaalka Gaalkacyo , Isagoona sheegey in loo baahan yahay in shacab iyo dowladuba u istaagaan sidii tabarucaadka loogu samayn lahaa.

1Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa si la mid ah ugu bishaareeyay ummadda gaar ahaan reer Garowe inay gacanta ku hayaan mashruuc balaaran oo lagu dhamaystirayo sanadka soo socda 2017 dhamaan baahida in muddo ah ka jirtay isbitaalka guud ee magaalada Garowe.

Dr Cabdinaasir Cuuke oo saxaafaddu wax ka waydiisay sida Wasaaradiisu u aragto qorshe ay sheegeen gabdho kasoo jeeda Gobolka Nugaal inay ku dhisayaan Isbitaal cusub oo hooyadda iyo dhalaanka ayaa sheegey inay gees mareen gabdhuhu taladii uu siiyay Islamarkaana ay ku yaalaan goobta ay sheegeen inay isbitaalkaas ka dhisayaan saddex xarumood oo loogu tala-galay hooyadda iyo dhalaanka.

Wasiirka oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa booqasho ugu tagay dhamaan bukaanada yaala Isbitaalka guud ee magaalada Garowe , gaar ahaan haween qaliimo lagu samayeeyey oo laga daweynayo xanuunka isku furanka dumarka .

Dhagayso Shirka Jaraa,iid Wasiirka Caafimaadka Puntland

1 2 3 4 5 6

14089361_1446897455326324_1668469318_n 14101560_1446897548659648_803638865_n 14101619_1446896591993077_645913591_n 14101679_1446896711993065_1537431030_n 14111563_1446896688659734_1279941275_n 14137781_1446897048659698_78049003_n 14138407_1446897378659665_1725943620_n 14159775_1446896511993085_1658325410_n 14169481_1446897001993036_688704776_n 14171962_1446896625326407_610274827_nAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST