PUNTLAND POSTPuntland Post
Puntland

Gaalkacyo xiisad ka dhalatay Saldhig laga burburshay Galmudug

Share

Rasaas goos goos ah ayaa maanta laga maqlayay galbeedka xaafadda Garsoor magaalada Gaalkacyo,ka dib  markii sida la sheegey uu maamulka Galmudug  dhisme lagu sheegay saldhig ciidan uu ka billaabay galbeedka xaafadda Garsoor oo uu ka taliyo maamulka Puntland,

Ciidamo ka socda Puntland ayaa ku guulaystay inay burburiyaan goobtii uu ka socday dhismaha saldhigu, Iyadoona  ciidanka amaanka Gaalkacyo ee Puntland si buuxda  ula wareegeen goobtaas.

Duqa magaalada Gaalkacyo Yaasiin Axmed Tumay oo warbaahinta la hadlay waxa uu digniin u diray darawalada gadiidka dadka qaada oo lagu eedeeyay inay qoysas qaxaya ka daad gureeyeen xaafadaha ku dhow halka laga burburiyay saldhiga.

Dhinaca kale waxaa maanta la fasaxay qaar ka mid ah dugsiyada waxbarashada ee magaalada Gaalkacyo sababo la xiriira cabsi laga qabo xiisada saldhigan oo dagaal isu bedesha , wallow hadda xaaladdu degan tahay.

Odayaasha dhaqanka ayaa bilaabay waan waan lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay dhismaha saldhiggan oo sida  la sheegay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay Galmudug ka dhisaysay Galbeedka Xaafada Garsoor.

Dhagayso Duqa Gaalkacyo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

1 comment

  1. Waxaan ku waanin lahaa IN Puntland aysan marna ogolaan joogitaan Ciidanka Danab, kuwaasoo horseed u ahaa Dhibaatooyinka Galkacyo, kuwaas oo la bilowday Ciidamada Danab.
    Dad horay argagixo u ahaan jiray ayaa laga soo uruuriyey Ciidamada Danab, Sidee saldig ciidamo looga suubinkaraa dhul aysan lahayn oo khatar ku ah amniga.
    Dab imaadkoodii dhibaatuu waday, waxayna horseed u ahaayeen dadka puntland cadawga u ah.

Leave a Reply