Wafdi kasocda Wasaarada Qorshaynta Puntland ayaa u tagay dalka Rwanda aqoon kororsi ku saabsan arrimaha qorshaynta iyo tiro koobka, Waxaana hogaaminaya waftigan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland Xuseen Cabdi Jaamac , Islamarkaana uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Tiro-koobka Puntland Cabdinaasir Cali Dahir.
Dhinaca kale waxaa kala qeyb galaya shirkan xubnaha ka socda Puntland Agaasimayaasha guud ee Qorsheynta iyo Tiro-koobka Dowlada Federalka Somalia iyo Maamulka Somaliland, Iyadoona ay soo qaban qaabisay barnaamijkan Wasaarada Qorshaynta iyo Maaliyada dalka Rwanda oo kaashanaysa Hay’adda SIDA ee dalka Sweden.
Waxayna la xiriirta ujeedada aqoon kororsigani sidii ay wax uga baran lahaayeen dowlada Rwanda sida ay dib u dhis ugu samaysay hay,addaheeda dowliga ah , gaar ahaan dhinaca qorsheynta iyo tiro-koobka.
Waxayna la kulmeen waftiga ka socda dalka Somalia intii ay ku gudo jireen aqoon kororsigooda Agaasimaha guud ee Tiro-koobka dalka Rwanda , Halka ay booqasho ku tageen goob magaceeda la yiraahdo Rwanda Memorial Genocide Center.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST