Dr Yuusuf Xaaji Nuur oo loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland

Garowe (Puntland post):- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa u magacaabey Dr. Yusuf Xaaji Nuur in uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee Puntland waxaana uu bedalayaa Cabduqlaadir Shiikh Axmed Maxamuud oo xilkaan soo hayey lixdii sano ee u danbeysey.

Magacaabista Madaxweynaha Puntland ayaa timi kadib markii uu latashiyo ka sameeyey isla markaana tixgeliyey aqoonta iyo khibradda Dr. Yusuf Xaaji Nuur.

Dr. Yusuf Xaaji Nuur ayaa ah qareen si weyn looga yaqaano deeganaada Puntland, waxa uu isla xilkaan qabtey markii Puntland la asaasey xiligii Madaxweyne Cabdulaahi Yusuf, waxaana  si weyn loogu xasuustaa mudadii uu ahaa kusimaha Madaxweynaha Puntland sanadkii 2001.

kadib markii uu wakhtigii ka dhamaaday xukuumaddii AUN Cabdulaahi Yusuf isla markaana Axdiga Puntland lagu dhisey uu dhigaayey in xilku ku wareegayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare haddii Xukuumaddu ku guuldaraysato inay dastuur samayso doorashana qaban weydo ayuu ku dhawaaqey inuu la wareegay xilkii Puntland bishii Juun 2001, waxaana ku taageeray Issimada Puntland intii uu xilkaas hayey tan iyo markii ergooyin soo doorteen Jaamac Cali Jaamac.

Muddooyinkii danbe ayuu ahaa Qareen madaxbanaan, waxaana uu ahaa madaxa PARA LEGAL ka oo ah xarun u qareenta dadka aan awoodin inay iska bixiyaan kharashka dacwada.

Wareegtoadata lagu magacaabey Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa sidoo kale lagu magacaabey guddiga adeega garsoorka oo ka kooban:

  1. Yusuf Xaaji Nuur Guddomiyaha Maxkamadda Sare
    2. Nuur Ciise maxamed Guddoomiye ku-xigeen
    3. Siciid Cabdi Muumin Xubin
    4. Cabdiqani Diiriye Cawl Xubin
    5. Axmed Haadi Aadan Yusuf Xubin

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST