Ilaalada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo saaka isku gadaamay Bangiga Amal

Xili Ciidamadu banaanka ku cilinaayeen shaqaalaha&macaamiisha/ Xaquuqda Sawirka: Wariye Maxamed Saciid Yuusuf
Xili Ciidamadu banaanka ku cilinaayeen shaqaalaha & macaamiisha Bangiga Amal/ Xaquuqda Sawirka: Wariye Maxamed Saciid Yuusuf

Garowe(Puntland Post)-Saakadii hore markii ay soo shaqa galeen shaqaalaha xarunta dhexe ee Bangiga Amal ee Magaalada Garowe ayaa waxaa goobtaas soo gaaray Ciidamo aad u hubaysan oo ah ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdillaahi Cumar Camey, iyagoo banaanka usoo saaray shaqaalihii Bangiga isla markaana diidey inay cidna gudaha u gasho.

Mid kamida Saraakiisha Bangiga Amal oo la hadlay Warbaahinta Puntland Post ayaa noo xaqiijiyey dhacdadan, wuxuuna ku sababeeyey inay daba joogto lacag uu Madaxweyne Ku-xigeenku waydiistay Bangiga balse ay ka cudurdaarteen.

Inkastoo goobtaas ay mar dambe iskaga tageen Ciidamadii la wareegay hadana arinkan ayaa siweyn looga hadal hayaa Magaalada Garowe, iyadoo Dadweynuhu ay si aada uga caroodeen in Hanti Dad rayida leeyihiin ciidamo hubaysan oo Dawladeed lagu soo weeraro.

Bangiga Amal ayaa ah kii ugu horeeyey oo xaruntiisa ugu weyn Caalamka oo dhan ka furta Magaalada Garowe, wuxuuna wax muuqda kusoo kordhiyey adeegyada Bangi ee degaanada Puntland.

Waa markii ugu horaysay oo ay degaanada Puntland ka dhacdo mid lamida dhacdadan.

PUNTLAND POST