Sanadkaan Ciyaaraha Olympic-ada Aduunka ee ka socda magaalada Rio De jenerio ee Dalka Brazil Soomaaliya waxa uga qayb galay laba Orodyahano, kuwaas oo kala ah Mohamed Daud Mohamed oo 20 sanno jir iyo Maryan Nuux Muuse oo 19-jir ah.
Labadan Orodyahano ayaa ka mid ah 11-kun ee ciyaariyahan ee ka qeyb galaya tartanka kuwaas oo ku sugan dalka Brazil.
Maryan Nuux Muuse ayaa maanta Olombikada Soomaaliya ku matali doonta waxeyna u tartami doontaa Orodka hablaha ee Afarta Boqol Mitir (400 Mitir), waxeyna la tarami doontaa todoba orodyahano oo ka kala socda dalal kala duwan kuwaas oo kala ah Bahrain, France, Greece, Italy, Liberia, Portugal iyo Vietnam.
Tartankan ayaa dhici doona saacadda magaalada Rio De jenerio marka ay tahay 10:35 Subaxnimo oo u dhiganta (4:35 Galabnimo) ee xiliga geeska Afrika.
Dhanka kale Mahamed Daud Mahamed ayaa isna waxa uu Tartami doonaa 17 Bishan .
PUNTLAND POST