Ilhan Cumar oo ku guulaysatay kursiga Baarlamaanka magaalada Minneapolis ee Degmada 60B

Sadex murashax ee tartamay hogaanka Degmada 60B iyo codadkii ay kala heleen
Sadex murashax ee tartamay hogaanka Degmada 60B iyo codadkii ay kala heleen

Minneapolis(Puntland Post)-Doorasho xalay ka dhacday Degmada 60B Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka ayaa waxaa si weyn ugu guulaysatay gabar Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Ilhan Cumar, iyadoo 41%  kaga guulaystay phyllis kahn oo ah haweeynay cadaana oo mudo soo ku fadhiday kursiga Baarlamaanka Minneapolis ee Degmada 60B, heshayna 29%  codadkii la dhiibtay iyo Maxamuud Nuur oo isna ah Wiil Soomaaliyeed oo isna u tartamaayey xilkan, helayna 30% codadka la dhiibtay.

Tartankan oo ahaa mid aad u xiisa badan ayey siweyn u dareemeen dhamaan umada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan Dal iyo dibadba, iyadoo Soomaalidu ay kala taageeraayeen Maxamuud Nuur iyo Ilhan Cumar oo iminka guulaysatay.

Maxamuud Nuur ayaa ugu hambalyey guusha ay gaartay Ilhan Cumar, isagoo u rajeeyey shaqo wanaag iyo horay u socod, wuxuuna ugu baaqay Dadka ay matalayso inay la shaqeeyaan.

Doorashadan oo ahayd mid si qurux badan oo Dimuqraadi ah u dhacday ayaa kusoo dhamaatay si wanaagsan, waxaana lagu wadaa inay Ilham dhawaan la wareegto xafiiska loo doortay.

Ilhan

ilhan4

ilhan11

ilhan10

ilhan7 - Copy

ilhan8 - Copy

PUNTLAND POST