Erdogan iyo Putin oo kulamo ku qaadanaaya Moskow

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u safray Magaalada Moskow ee Dalka Ruushka si uu kulamo ula qaato dhigiisa Ruuska Vladimir Putin markii ugu horaysay tan iyo markii bishii Nofeembar Turkigu xadka siiriya kusoo riday diyaaradii dagaal ee Ruushka.

Sidoo kale Safarka Erdogan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyey ee uu dibada uga baxo tan iyo markii uu ka badbaaday inqilaabkii fashilmay bishii hore, kaas oo dhaliyey mad-madow soo kala dhex galay xiriirka Turkiga iyo Wadamada reer Galbeedka oo horay u ahaa saxiib aad iskugu dhow.

Erdogan ayaa wakaalada wararka ee Ruushka u sheegay ka hor inta uusan ka ambabixin Dalkiisa inay boqashadani furi doonto xiriir cusub oo dhex mari doona labada Dal, isagoo hogaamiyaha Rushka ku tilmaamay saxiib ay si aada isugu dhaw yihiin.

Xiriirka labadan Dal ayaa si aada u xumaaday markii diyaarad dagaal oo uu Turkigu leeyahay ay xadka suuriya kusoo riday mid kale oo uu Ruushku leeyahay markii ay ku eedeeyeen inay hawadooda kusoo xad gudubtay, iskana dhaga tirtay digniino ay u direen,  wixii intaa ka danbeeyeyna waxay hawada isku marinayeen hadalo xambaarsan dhiilo colaadeed, iyadoo Ruushku uu xanibaad dhaqaale kusoo rogay Dalka Turkiga, hase ahaate Madaxweynaha Ruushka ayaa Bisha June ee sanadkan sheegay in Dawlada Turkiga ay raali gelin ka bixisay falkii ay kusoo riday diyaarada Ruushka.

Wadamada reer Galbeedka ayaa Dawlada Turkiga ku eedeeyey inay si arxan daro ah ula dhaqantay Dadkii lagu eedeeyey inqilaabkii fashilmay ee Turkiga, wuxuuna safarka Erdogan u muuqda inuu isbahaysi cusub la samayn doono Ruushka.

PUNTLAND POST