Gudoomiyaha Godob-jiraan oo beeniyey in xilka laga qaaday

Godob-jiraan (Puntlandpost):- Gudoomiyaha Degmada Godob-jiraan ee Gobolka Nugaal Yuusuf Maxamed Faarax oo la hadlay warbaahinta Puntlandpost  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay ku sheegeen xubno ka tirsan gollaha deegaanka degmada Godob inay xilkii ka xayuubsheen.

Yuusuf Maxamed Faarax ayaa sheegey inay fowdo aan sharci ahayn ka dhex kiciyeen gollaha oo u fadhiya waxqabadka lixdii bilood ee lasoo dhaafey kalfadhigoodii 2aad  dhowr xubnood oo aan u marin xil ka qaadistiisa sifo sharciya.

Waxa uu intaas ku darey Maamulka Degmada Godob jiraan inay u baahan yihiin gollaha deegaanka degmadiisa in laga shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa aqoontooda, Isagoona ku eedeyey inay yihiin xubnaha sheegaya in xilka ka qaadeen kuwo aan inta badan joogi jirin degmada , Islamarkaana ka yimid baadiyaha magaalada.

Yuusuf Maxamed Faarax ayaa sheegey inuu waxqabad la taaban karo ka sameeyey Degmada Godobjiraan mudadii  uu xilka hayay, Kuwaas oo ay ka mid yihiin biyo galinta degmada, Ka hirgalinta Godobjiraan Dugsi sarre, u Sameynta wadooyin waaweyn gudaha magaalada, iyo Wax-qabad kale oo fara-badan.

Dhagayso Gudoomiyaha Godob-jiraan

Abshir Dhiirane

PUNTLANDPOST.COM