Madaxweynaha Puntland oo xilal magacaabay

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xilal loogu magacaabay labo sarkaal Nabad sugida Gobolka Mudug iyo Nabad-sugida Puntland.

Dikreetada oo ku taarikheysan 30 July 2016  ayaa maanta faafinteeda rasmiga ah lasoo gaarsiiyey warbaahinta , Waxaana Madaxweynuhu uu u magacaabay Agaasime kuxigeenka nabadsugida Puntland Sareeye guuto Cabdinuur Geeseey , Halka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Mudug uu u magacaabay Gaashaanle Dhexe Xaashi Aadan Cilmi (Farey) .

Akhriso Wareegtada.

13936824_1454687094556765_1060317914_n

PUNTLANDPOST.COM