Maxamuud Yaasiin Tumay oo loo doortay duqa cusub ee degmada Gaalkacayo

Duqa cusub ee Degmada Gaalkacayo
Duqa cusub ee Degmada Gaalkacayo

Galkacayo(Puntland Post)-Iyadoo maanta doorashadii duqa degmada Galkacayo ka dhacday Magaaladaas ayaa lagu doortay duqii Kumeel gaarka ahaa Maxamuud Yasiin Tumay oo ka gulaystay Deeq Malow oo ay wareegii ugu danbeeyey iskugu soo hareen.

Maxamuud Tumay ayaa ku guulaystay 24 cod, halka Deeq Malow oo ay wareegii ugu danbeeyey iskugu soo hareen uu helay 7 cod, Tumay ayuu Madaxweyne Gaas u magacaabay duqa kumeel gaarka ee Gaalkacayo markuu kala diray golihii degaanka.

Wareegyadii kowaad iyo labaad waxaa ku haray Yaasiin Maxamuud Jaamac iyo Cismaan Salaad Fagaase oo iyaguna u tartamaayey duqa Gaalkacayo.

Sidoo kale ku-xigeenka duqa degmada Gaalkacayo ayaa loo doortay Farxaan Fadhaye.

PUNTLAND POST