Doorashada duqa degmada Gaalkacayo iyo ku-xigeenkiisa oo maanta socota

Xaquuqda Sawirka Jaamac Faarax
Xaquuqda Sawirka Jaamac Faarax

Gaalkacayo(Puntland Post)-Waxaa Magaalada Galkacayo ee Xarunta gobalka Mudug maanta ka socoto doorashada duqa degmada Gaalkacayo oo ay u tartamayaan murashixiin kala duwan.

Doorashadan oo ay goob joog ka yihiin Madax katirsan Dawlada Puntland ayey golaha degaanku ku dooranayaan duqa cusub ee Magaaladaas iyo ku-xigeenadiisa.

Doorashadan ayaa imaanaysa markii dhawaan uu Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali kala diray golihii degaanka Degmada Galkacayo, lana soo dhisay golle cusub oo badelay kuwii hore.

Dawlada Puntland ayaa Galkacayo kawada dib u habayn balaaran oo lagu samaynaayo Maamulka degmada iyo kan Gobalka Mudug, waxaana shalay la kala diray agaasime waxeedyadii Dawlada Hoose ee Gaalkacayo.

Lasoco Doorashada duqa Gaalkacayo…….

PUNTLAND POST