Bangiga Amal oo Qardho ku qabtay munaasabad lagu maalgelinaayo ganacsatada Yar-yar(Micro-finance)

Waxaa maalintii khamiista ee ku beegnayd  21/07/2016  ka dhacay magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Amal faraciisa magaalada Qardho, munaasabadan oo loo qabtay in kabadan 30 haween ah  oo kafaa’iideystay mashruuca maalgelinta ganacsiga yaryar ee Amal micro-finance.

Mashruucan wuxuu soo bilawday sanadkii 2015-ka iyadoo lagahirgeliyay magaalooyinka Garoowe, Qardho iyo Bosaaso, waxaana ka faa’iideystay 99 qof oo loo qeybiyay lacag dhan $99,700, sanadkan 2016 –kawaxaakafaa’iidey dad gaaraayailaa 196 qof oo ka kala socda magaalooyinka Boosaaso, Qardho iyo Garoowe, waxaana  loo qeybiyay lacag gaaraysa ilaa $217,000.

Munaasabadaan waxaa kasoo qeyb galay bulshada qeybaheeda kala duwan oo uu ugu horeeyo duqa Degmada Qardho Cabdi Siciid Osman, Gudoomiyaha Guddiga Hormarita Degmada Qardho( LED) Maxamuud Maxamed Shire.

Masuuliyiintii kasoo qeybglay ayaa ku nuuxnuuxsaday faa’iidada uu mashruucan uu leeyahay iyo kaalinta uu ka qaadan karo hormarinta bulshada.

Duqa Degmada Qardho oo Cabdi Siciid Osman ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisa( waxaan u mahadcelinayaa Bangiga Amal oo u heelan iney hormariyaan dadka danyarta ah, gudoomiyaha oo hadalkii siiwada ayaa talo u soo jeediyay ka faa’iideystayasha mashruucan waxaana uu yiri sidan :  Bangiga Amal hadduu shaqo inoo abuurayo odeyn ina siiyayo waxaa Layna karabaa inaynu horey u socono oo gaarno meesha aynu hiigsanayno ).

Sidoo kale Gudoomiyaha uururka hormarinta Degmada Qardho( LED) Maxamuud Maxamed Shire ayaa isaguna carabka ku adkeeyay muhiimada uu leeyahay barnaamijkan, waxaana hadaladiisii ka mid ah ( Bangiga Amal wuxuu ku amaanan yahay inuu u fuliyay mashruucan sidii la rabay, waxaan ka loo amaan u soo jeedinayaa dadkii sanadkii hore kafaa’iideystay mashruucan oo si wanaagsann auga faa’iiday lacagtii lagu maalgeliyay kuna soo celiyay xiligii loo qabtay).

Hadaynu wax yar kataabano Amal Microfinance, wa amashruuc maalgelineed oo waafaqsan shareecada islaamka, dadka la maalgelinaayo waxaa lasiinaaya lacag deyn ah oo aan dulsaa rlahayn ( Alqardul-xassan), waa mashruuc maalgelineed oo lagula dagaalamaayo shaqala’aanta baahsan ee bulshadeena haysata iyo waliba in la ciribtiro tahriibta,xagjirnimada iyo faqriga ragaadisay hormarka dalkeena, mashruucan waxaa iska kaashaday Hey’adda ShaqaalahaAdduunka (ILO),Guddiga Hormarinta Degmooyinka Garoowe, Qardho iyo Bosaaso(LED) iyo Bangiga Amal.

Hanaanka maamul ee lacagtu wuxuu ku dhisan yahay markii qof ka faa’iideysto uuna soo celiyo in qof kale   lagu maalgeliyo.Haddaba Bangiga Amal si uu u xaqiijiyo in dadkii lasiiyay ay kafaa’iideysteen mashruuca,wuxuu  u sameeyay dadkii ka faa’iideystay barnaamij tababar, la talin iyo kawar qab iskugu jirta.

Mashruucan wuxuu leeyahay dhawr marxaladood oo kala ah:

  • Wajiga 1aad ee mashruuca(inception phase) :taasoo loo ogol yahay qofka lamaal gelinaayo inuu fursad u leeyahay in la siiyo lacag gaaraysa ugu yaraan $500, ugu badnaana  $2500.
  • Wajiga hormarinta ( development phase) : taas oo uu qofka ka faa’ideystey marxaladii kowaad loo ogol yahay inuu qaato in kabadan 50%  lacagtu qaatay wajiga kowaad.
  • Wajigakobaco( growth phase) : qofkiimarxaladaansoogaarawuxuuwuxuufursad u helayaa inuu qaato in kabadan 50% lacagtii la siiyay marxalada labaad.
  • Marxala daqalin jabinta (graduation phase) :kafaa’ideystaha soo gaara marxaladaan wuxuu qaadan in kabadan 50% lacagtuu qaatay mar xalada sadexaad.

Bangiga Amal waxaa u qorsheysan haddi Alle idmo inuu sii wado mashruucan islamarkaasna uu gaarsiiyo ilaa 20,000 oo qof ugu yaraan sanadku markuu yahay 2020.

Waxaa Alle lagu mahadiyo ah in dadkii la maalgeliyay 90%  ay si wanaagsan uga faa’ideysteen, qaarkoodna waxay muteysteen inay u gudbaan marxlada labaad ee mashruuca maalgelinta ganacsiga yaryar.

11(1)

 

10(1)

7

5(3)

3(5)

2(3)

1(4)

PUNTLAND POST