Puntland iyo Somaliland oo dib u kala qaaday ciidamadii isku hor fadhiyey Gobalka Sanaag

Sanaag(Puntland Post)-Warka naga soo gaaraya Gobalka Sanaag oo ay maalmihii u danbeeyey ka aloosnayd xiisad dagaal oo u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland oo labaduba Ciidamo xoogan kusoo daabulay Gobalkaas ayaa sheegaaya in subaxnimadii Jimcaha ee saaka dib loo kala raray Ciidamadii isku hor fadhiyey degaano katirsan Gobalka Sanaag.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo xaqiijiyey in Ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa Gobalka sida degaanka Booda-cadde ay dib ugu noqdeen Magaalada Ceerigaabo oo ay horayba uga yimadeen, sidoo kale Ciidamadii Puntland ayaa dib loogu soo ceshay Gobalada Bari iyo Karkaar.

Arintan ayaa waxaa ka sheqeeyey wax garadka Gobalka Sanaag oo ka hortagay inay labada Ciidan ku dagaalamaan Gobalkaas, taas oo dhibaato xoogan ku keeni kartay Dadka degaanka.

Dhanka kale diwaangelintii Doorashooyinka Somaliland ayaan ka qabsoomin inta badan Gobalka Sanaag, meelaha aysan ka qabsoomina waxaa kamida Badhan, Laasqoray, Dhahar,Xingalool, Buraan iyo degaano kale.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa todobaadkii hore ku dagaalamay degaanka Booda-cadde oo hoostagta degmada Dhahar ee Gobalka Haylaan, Iyadoo maalmihii lasoo dhaafayba ay xiisada collaadeed ee ka jirta degaanadaas cirka isku sii shareeraysay, ayna labada dhinac hanjaabado culus hawada isku marinayeen.

PUNTLAND POST