Koox hubaysan oo weerartay xarun ganacsi oo ku taal Magaalada Munich ee Dalka Jarmalka

munich1

Wararka ka imaanaya Magaalada Munich ee Dalka Jarmalka ayaa sheegaya inay koox hubaysan ay weerartay xarun ganacsi oo ku taal bartamaha Magaalada Munich.

Faah-faahin dheeriya lagama bixin karo weerarka ka dhacay xaruntaas ganacsi, hase ahaate Booliska ayaa xaqiijiyey weerarka halkaa ka dhacay, war kasoo baxay Booliska ayauu lagu xaqiijiyey inay halkaa ku dhinteen Dad aan tiro yarayn.

Goob jooge ayaa sheegay inuu arkay illaa sadex nin oo tooganaaya Dadka rayidka.

Ciidamada Amaanka ayaa xiray gabi ahaanba wadooyinka gala goobta uu weerarku ka dhacay, waxayna dadweynaha ugu baaqeen inay ka fogaadaan goobaha Dadweynaha maadama aysan xaalada Magaaladu cadayn, ayna suurta gal tahay in weeraro iyo qaraxyo cusub ka dhacaan bartmaha Magaalada.

Xaalada Magaalada Munich ayaa si aada u kacsan, iyadoon Warbaahintu tabinayso iyagoo xaginaaya goob joogayaal inay halkaas ku dhinteen Dad aad u tiro badan.

Goobta uu weerarka ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Olympia shopping centre waxayna ku taala Koonfurta Magaaladaas.

La soco wixii kasoo kordha….

PUNTLAND POST