Maamulka Somaliland oo wada qorshihii ugu balaarnaa oo ay ku doonayaan inay isku fidiyaan Gobalada Sool iyo Sanaag

Maamulka Somaliland ayaa labadii todobaad ee ugu danbaysay bilaabay qorshe cusub oo ay ku donayaan inay kula wareegaan guud ahaan Gobalada Sool,Sanaag,Cayn iyo Haylaan, waxayna waftiyo balaaran u kala direen degaano kala duwan oo hoostaga Gobaladaas.

Somaliland ayaa doonaysa inay degaanadaas kula wareegto qaab ah in laga samayn doono diwaangelinta Doorashooyinka Somaliland, waxayna usoo direen Masuliyiin kasoo jeeda Gobalada Sool iyo Sanaag iyo kuwa aan kasoo jeedinba, Waftiyada gaaray degaanadaas ayaa galbinaaya Ciidamo ka yimi Somaliland kuwaas oo ku hubaysan gadiidka dagaalka.

Masuuliyiinta Somaliland ee soo gaaray degaanadaas ayaa kulamo la qaadanaaya qaar kamida Beelaha dega, waxaana kamid Beelaha ay Somaliland kulmada la qaadatay Beesha degta Degmada Shaxda oo hoostagta Gobalka Karkaar oo aan sidaas uga fogayn Magaalada Qardho, Silaanyo ayaa dhawaan sheegay inuu shaxda u magacaabay degmo cusub oo katirsan Somaliland.

Qorsha Puntland

Goblada Sool,Sanaag,cayn iyo Haylaan ayaa kamida Gobaladii sanadii 1998 saxiixay shirweynihii Dastuuriga ahaa ee lagu dhisay Puntland, isla markaana laf dhabar u ahaa inay Gobalada  ku midoobay Puntland ay ka hana qaado Dawlada iminka ka jirta, waxaase muuqatay inay Gobaladaasi 10-kii sano ee ugu danbaysay ay Puntland marba  qayb luminaysay.

Sanadii 2007 ayey ahayd markii ugu horaysay oo ay gacanta Puntland ka baxday Magaalada Laascaanood oo ahayd Magaalada ugu muhiimsan Gobalka Sool, Dawladii Madaxweyne Cadde Muuse oo xiligaa talada Puntland haysay kuma guulaysan inay gacanta Puntland dib ugu soo celiso Laascaanood.

sidoo kale Xukuumadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo talada Dalka la wareegtay sanadkii 2009 talaabo uma qaadin magaaladaas, walow Madaxweyne Faroole ololihii doorashada ku galay inuu gacanta Puntland kusoo celin doono degaanada maqan, waxaa xusid mudan in xukuumadii Faroole ay ka hor tagtay inay Somaliland kusoo fido degaano hor leh, isla markaana waxay xukuumadii Faroole ka hor tagtay inay Doorashooyinka Somaliland ka dhacaan degaano hoostaga Gobalada Sool,Sanaag,Cayn iyo Haylaan, waxaa xusid mudan in Bishii Agoosto 2011 xabsiga Garowe la keenay masuuliyiin sare oo katirsan Maamulka Somaliland oo doonaayey inay Booqasho ku tagaan degmada Taleex ee Gobalka Sool(Daawo), walow markii danbe uu Madaxweyne Faroole cafis Madaxweyne ku-siidaayey.

Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa markii uu ololaha Doorashada ku jiray wacad ku maray inuu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo celin doono Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool(Daawo), waxaase muuqatay inay Somaliland bilowday inay degaano hor leh la wareegto markii talada Puntland loo doortay Dr Gaas, degaanada ay Somaliland la wareegtay labadii sano ee ugu danbaysay waxaa kamida Taleex, Xudun, Kalabaydh,Widh-widh iyo degaano kale.

Labadii todobaad ee ugu danbaysay waxay dadaalkii ugu xooganaa ugu jirtaa Somaliland inay si buuxda gacanta ugu wada dhigto Gobaladaas  oo ay kamid yihiin Gobalada Sanaag iyo Haylaan oo aysan weligeed Somaliland wax saamayna ku yeelan, waxayna Ciidamo xoogan usoo direen degaanadaas, Dawlada Puntland ayaa degaanada qaar geysay Ciidamo, iyadoo degaanka Boodacade uu iska horimaad ku dhex maray Ciidamo ka kala tirsan labadda Maamul, waxaase Muuqata inaysan Somaliland dheg jalaq usiinayn Puntland, siina wadato is balaarantan oo u muuqataa mid si aada looga soo shaqeeyey.

Mudaharaadyo lagu diidan yahay Somaliland oo si xiriira u socda

Mudaharaadyo xoog leh ayaa ka dhacay Magaalooyinka Dhahar,Xingalool iyo Badhan kuwaas oo siweyn loogu taageeray Puntland, loogana soo hor jeestay dha-dhaqaaqyada cusub ee ay Somaliland kawado degaanadaas, iyadoo Dadka degaanku ciidamada Puntland u geyeen raashin iyo xoolo ay ku dhiiri gelinayaan, sidoo kale Magaalada Garowe oo ah Caasimada Dawlada Puntland waxaa ka dhacay banaanbax ay Dadku Dawlada uga dalbanayaan inay la timaado qorshe cad oo ay Dalka ku difaacayso.

Isku soo wada duubo Dadka Puntland ayaa si aada isha ugu haya talaabada ay qaadi doonto Dawlada Madaxweyne Gaas oo todobaadyadii ugu danbeeyey si aada ugu mashquulsanayd dhisida golaha degaanka Degmada Gaalkacayo.

PUNTLAND POST