Warbaahinta oo si aada u qaada dhigtay xaaska Donlad Trump oo xaday khudbad ay horay u jeedisay Xaaska Obama

Menlania Trump iyo Michelle Obama
Menlania Trump iyo Michelle Obama

Warbaahinta Maraykanka ayaa si aada u qaada dhigaysa Xaaska ninka xisbiga jamhuuriga u mateli doona Doorashada madaxtinima Maraykanka Donald Trump oo lagu magacaabo Menlania Trump oo xaday khudbad ay sanadii 2008 jeedisay Michelle Obama oo ah xaaska Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama.

Khudbada Menlania Trump oo si aada ugu tii Michelle Obama ayey labaduba ugu ololaynayaan Odayaashooda sidii ay u noqon lahaayeen Madaxweynaha Maraykanka.

Warbaahinta ugu caansan Maraykanka oo uu kamid yahay TV-ga CNN oo is-babar dhig ku sameeyey labada khudbadood ayaa ku tilmaamay in xaaska Trump ay xaday Khudbadii xaaska Madaxweyne Obama.

Sidoo kale hadal haynta khudbadan ayaa si aada u qabsatay Warbaahinta Bulshada, Iyadoo dadweynuhu siyaabo kala duwan uga hadlayaan.

Daawo labada khudbadood oo la is-barbar dhigay

PUNTLAND POST