Donald Trump oo si rasmi ah loogu doortay inuu noqdo murashaxa xisbiga Jamhuuriga

Trump
Trump

Shirweynaha xisbiga jamhuuriga oo maalmihii u danbeeyey ka socday Magaalada Claveland ee Gobalka Ohio ayaa si rasmiya la iskugu raacay in Donald Trump  uu noqdo Murashaxa xisbiga Jamhuuriga u mateli doona Doorashashada Madaxtinimada Maraykanka ee Bisha November ee sanadkan dhici doonta.

Ergo ka kala timi gobaladda kala duwan ee Maraykanka ayaa cod u qaaday cida ay la doonayaan inuu noqdo Murashaxa xisbiga mateli doona, waxayna u doorteen ninkaan maal-qabeenka Donald Trump.

Trump oo hadlay markii la doortay waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu noqdo Murashaxa Xisbiga, wuxuuna balan qaaday inuu isbadel muuqda ku samayn doono Maraykanka hadii Madaxweyne loo doorto.

Madaxda Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku baaqay inuu xisbigu u midoobo  taageerada Mr Trump iyo sidii uu Madaxweynaha Dalka ku noqon lahaa.

Trump ayaa ah nin hadalo qalafsan oo hadalo Dad badan dhibsadaan looga bartay, wuxuuna horay u sheegay inuu Muslimiinta Maraykanka ka joojin lahaa, isagoo hadalo kale oo gafa kula kacay Dadka ka yimi Latiin Amerika iyo Dadka Madow.

PUNTLAND POST