Musharaxa Duqa Degmada Gaalkacyo Yaasiin Maxamuud Jaamac (Yaab’arag) oo la kulmay golaha degaanka

Gaalkacayo(Puntland Post)-Yaasiin Maxamuud Jaamac (Yaab’arag) oo  ka mid ah Xubnaha Cusub ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu yahay Musharxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha degmada.kadib Casho sharaf uu sameeyay Golaha Deegaanka Cusub ee Magaalada Gaalkacyo.

Musharrax Yaasiin ayaa horay uga so shaqeeyay Wasaaradaha Ganacsiga iyo Maaliyada Puntland,Waana Mid ka mid ah Madaxda Shirkadii dajisay Cashuuraha Gaadiidka Puntland.

Musharaxa ayaa Golaha Deegaan Degmada Gaalkacyo ee shalay la dhaariyay sharaxaadka siiyay   waxyaabaha uu qorshaysan ee qabanayo hadii ay doortaan.

Sidoo kale,Yaab Arag ayaa sheegay in Gaalkacyo u baahan tahay Maamul ay shacabkeedu la xisaabtamaan iyo shaqaalo diyaar u ah u adeegida Bulshadooda

”Gaalkacyo waxay u baahan tahay Maamul ku dhisan isla xisaabtan,Maamul ku dhisan karti iyo Maamul ku dhisan shaqo”, ayuu yiri Musharax Yaasiin Maxamuud Jaamac (Yaab’arag).

Musharaxa ayaa Waxbarashadiisa Jaamacadeed ku so qaatey Dalka Maraynkanka oo in ka badan 10 Sano uu ka so shaqaynayay.

Ugu Danbayntii ,Maalinka Sabtida ah ee so socota ayaa la filayaa in ay dhacaan Doorashooyinka  Duqa iyo ku xigeenkiisa ee Degmada Gaalkacyo,kuwaasi oo ay ku loolamayaan ilaa lix Musharax.

gal 1

gal 2

IMG_1690

IMG_1688

IMG_0159

IMG_0156(1)

PUNTLAND POST