Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda Gobalka Sanaag

Dagaal aad u culus oo u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa saakay ka qarxay degaanka Boodacade ee Gobalka Sanaag, degaankaas oo u dhexeeya Degmooyinka Xingalool iyo Dhahar ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Labada dhinac ayaa maalmihii u danbeeyey ciidamo xoogan ku daabulaayey Gobalkaas, markii ay Somaliland bilowday inay degaanadaas keento qalabka diwaangelinta Doorashooyinka Somaliland.

Gobalka Sanaag waxaa kuwada sugan waftiyo balaaran oo kawada socda Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo iskugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil sare.

Si dhaba looma xaqiijin karo khasaaraha illaa hada ka dhashay dagaalka ka qarxay Gobalka Sanaag, warka laga heli karo goobaha dagaalka oo xadidan awgeed.

Kala soco hadba xaalada dagaalku meeshay marayso Puntland Post