Qaarada Afrika oo yeelatay Baasaboor cusub

Baasboor

Kigali(Puntland Post)-Qaarada Afrika ayaa markii ugu horaysay yeelanaysa Baasaboor cusub oo ka dhaxayn doona guud ahaan Qaarada Afrika, kaas oo ay qaadan doonaan  Dadka ku nool Qaarada.

Baasaboorkan waxaa markii ugu horaysay lagu bilaabay Madaxweynaha Dalka Chat, ahna Madaxa midowga Afrika Idiris Debi iyo Madaxweynaha Dalka Rwanda Paul Kagame oo ah marti geliyaha Shir madaxeedka 27-aad ee Qaarada Afrika.

Baasaboorkan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay sidii ay isku dhex geli lahaayeen Dadka Qaarada Afrika, uuna u fududaan lahaa isku socodka Dadka Qaarada.

Dhamaan Madaxda Afrikaanka ee Shir madaxeedka 27-aad kaga qayb gelaysa Magaalada Kigali ayaa loo qaybin doonaa  Baasaboorkan, Iyadoo lagu wargelinaayo inay Dalalkooda ka dhaqan geliyaan.

Magaalada Kigali ee dalka Rwanda oo baasaboorka lagu soo bandhigay waxaa ka socdo shirka madaxda Afrika ee 27-aad, kaas oo sidoo kale looga hadlayo xaaladda Sudanta Koofureed, miisaaniyadda qaaradda iyo doorashada golaha Midawga Afrika.

PUNTLAND POST