Mudaharaadyo lagu diidan yahay Somaliland oo ka dhacay gobalada Sanaag iyo Haylaan

Badhan(Puntland Post)-Maalmihii u danbeeyey xiisad ayaa ka aloosnayd Gobalada Sanaag iyo Haylaan markii Maamulka Somaliland ay ciidamo iyo qalabka diwaangelinta doorashooyinka keeneen qaybo kamida degaanadaas, sidoo kale Ciidamo ka socda Puntland iyo wafuud isugu jira saraakiil ciidan iyo madax kale ayaa gaaray Gobalada Sanaag iyo Haylaan.

Maanta inta badan magaalooyinka Gobaladaas waxaa ka dhacay mudaharaadyo waaweyn oo lagu diidan yahay inay deganadaas yimaadaan ciidamada iyo diwaangelinta doorashooyinka Somaliland, meelaha ay mudaharaadyadu ka dhaceen waxaa kamida magaalooyinka Badhan, Xilngalool, Hadaaftimo, Ceelbuh iyo  degaano kale waxayna dadka mudaharaadayey wateen Calanka Puntland iyo kan Soomaaliya, iyagoo gubaayey astaamaha Somaliland, kuna dhawaaqayey hadalo ka dhana Maamulka Somaliland.

Dadweynaha Mudaharaadayey ayaa ka sinaa baaq ay u direen Somaliland oo ahaa inay ilaaliso dhiig Soomaaliyeed oo xiligan daata, waxayna sheegeen inay iska difaaci doonaan cid kasta oo kusoo xad gudubta dhulkooda.

Dhanka kale Dadka Gobalada Sanaag iyo Haylaan ayaa bilaabay inay is abaabulaan, Iyadoo degaanada qaar laga soo sheegaayo isku dhacyo dhex maray Dadka degaanka iyo ciidamo ka yimi Somaliland.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali ayaa shalay digniin culus u diray Maamulka Somaliland, isagoo ugu baaqay inay joojiso wuxuu ugu yeeray xad gudub iyo daandaansiga ay kawado qaybo kamida dhulka Puntland.

Waligeed Doorashooyinka iyo diwaangelinta Doorashooyinka Somaliland kama aysan dhicin degaanadaas, Iyadoo Ciidamada Puntland ay marar kala duwan is hortaageen arimo noocaasa ay Somaliland doonaysay inay ka fuliso Gobalada Sanaag iyo Haylaan.

xin 1

xin 2

xin 3

xin 4

Sawirada waxaan kaso xiganay Xingaloolnews

PUNTLAND POST