Garowe (PP) Mac-hadka horumarinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA ayaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland kulan soo dhowayn ah ugu sameeyay qaar kamid ah qorayaasha ka qeyb galaya bandhiga buugaagta ee bishaan dhamaadkeeda lagu qabandoono Garowe.
Kulankaan oo lagu qabtay xarunta SIDRA ayaa sidoo kale lagusoo bandhigay qaar kamid ah buugaagta qorayaashu ugu talo galeen inay kusoo bandhigaan munaasanada weyn ee bandhiga buugaagta.
Gudoomiyaha Mac-hadka SIDRA ahna wasiirkii hore ee deegaanka Puntland mudane Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay inay sharaf u tahay kuna faraxsan yihiin inay Garowe kusoo dhoweeyaan racii ugu horeeyay ee qorayaasha ka socda.
Guuleed Saalax waxaa uu sheegay inay sidoo kale soo dhoweyndoonaan qoraayaal kale oo dalka dibadiisa ka imaandoona, isagoo sheegay inuu meel wanaagsan marayo dadaalkoodii ahaa in bandhig weyn oo caalami ah ay ku qabandonaan magaalada Garowe.
Madasha kulanka waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay masuuliyiinta shirkada daabacaada Scansom iyo qorayaasha kulanka lagu casuumay, kuwaas oo jeediyay kalmado muhiim ah oo isugu jiray baraarujin ku saabsan in kor loo qaado Afsoomaaliga iyo soo badhigida hal-abuurka.
Maamulaha shirkada Scansom Maxamed Sheikh Xasan ayaa sheegay sanadkaan inay qorayaal Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah ay kasoo qeyb gelidoonaan bandhiga qaran ee buugaagta, waxaana uu tilmaamay sanadkaan inuu ahaandoono sanadkii labaad oo ay Puntland ku qabandoonaan bandhiga buugaagta.
Daawo Sawiradda.