Muqdisho-(Puntland Post) Munaasabad lagu daah furay tartanka kubada cagta Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Tartankan oo ay ka qeyb qaadanayaa, Dowlada Puntland, Gobolka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Gobolada Shabellaha dhexe iyo Hiiraan.
Tartanka oo lagu Furilahaa Puntland iyo Gobolka Banaadir ayaa baaqday, kadib markii Puntland ay safar dheer soo galeen waxaana la siiyay nasniino.
Munaasabadda furitaanka tartankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlada Federaal Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Federaal Soomaaliya Maxamed C/laahi Nuux , Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Mas’uuliyiin kale.
Kullankii ugu horreeyay oo galabta dhexmaray gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed ayaa wuxuu ku dhamaaday 5-0 oo ay guushu ku raacday Gobolka Banaadir.
Kulanka berri dhicidoona ayaa dhex mari doona Hiiran iyo Sh/Dhexe oo hal koox matalaya iyo Jubbaland.
PUNTLAND POST