Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo booqday safaarada Turkiga ee Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post)-Raisul Wasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, qaar kamida golaha Wasiirada iyo saraakiil ciidan ayaa booqday Safaarada Dalka Turkigu ku leeyahay Soomaaliya oo ah tan ugu weyn ee uu caalamka ku leeyahay.

Raisul Wasaaraha iyo xubnaha la socday ayaa kulan la qaatay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo hawl-wadeenada kale ee Safaarada, iyagoo u muujiyey sida ay uga xun yihiin iskudaygi inqilaab ee dhicisoobay, waxayna ugu hambalyeeyeen isku duubnida ay muujiyeen shacabka Turkigu mudadii uu Inqilaabku socday.

Dawlada Turkiga ayaa uga mahadcelisay Shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed sida ay shacuurtooda taageero  u muujiyeen mudadii uu socday hawl-galka lagu soo afjaraayey Ciidamadii isku dayey inqilaabka.

Ta 1

Ta 2

ta 3

ta 4