Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay fashilinta inqillaabka Turkiga

Iqi 3

Dadka Turkiga, Ciidamaa Booliska ee Sida Melitariga u tababaran iyo Sirdoonka Dalkaas ayaa xalay fashiliyey inqilaab ay Ciidamada Milaterigu doonaayeen inay kula wareegaan Dalka Turki, Iyagoo meesha ka saaraaya Dawlada Madaxweyne Erdogan.

Ciidamadan oo mar qura soo galay wadooyinka, kiciyeyna Diyaaradaha dagaalka ayaa la wareegay Garoonka diyaaradaha Ankara, Qaar kamida Warbaahinta Dawlada iyo labbada gees ee laga galo Caasimada Ankara.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan  oo kasoo hor muuqday kumanaan qof oo taageerayaashiisa afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Istanbul , isagoo markaas kasoo laabtay Magaalada loo dalxiis tago ee Marmaris ayaa ficilkan ku tilmaamay dambi aad u weyn oo laga galay Turkiga, laguna bixiyey dhaqaale xoogan, wuxuuse Dadkiisa u xaqiijiyey inay gacanta si buuxda Dalka loogu hayo, Erdogan ayaa Dadka u sheegay inuu xukunka iyaga ku jooga, go’aankoodana uga tegi doono.

Sawiro lagu baahiyey baraha Bulshada ayaa Muujiyey shacabka Turkiga oo si geesinimo ka muuqato isku hor taagay inqilaabkan, iyagoo qaarkood isku dhigay Taangiyada dagaalka oo ay wateen Ciidamada inqilaabka wadey, halka Maalaayiin kale buux dhaafiyeen wadooyinka Magaalooyinka Dalkaas.

Muuqaalo ay baahiyeen warbaahintu ayaa muujiyey Ciidamadii Inqilaabka wadey oo gacmaha kor u taagaaya, isagana baxaaya goobihii ay qabsadeen.

Ugu yaraaan 60 qof ayaa ku geeriyooday inqilaabkan fashilmay, kuwaas oo iskugu jira Rayid ka hortagay inqilaabka, Ciidamadii inqilaabka wadey iyo Booliska sida Militeriga u tababaran oo is hortaagay Inqilaabkan.

Magaalada Ankara ayaa weli laga maqlaaya rasaas ka dhacaysa, walow Dawladu goor horeba xaqiijisay in uu inqilaabkii fashilmay.

iqi 2

Iqi
Ankar4

Ankara2

A tank moves into position as Turkish people attempt to stop them, in Ankara, Turkey, early Saturday, July 16, 2016. Turkey's armed forces said it "fully seized control" of the country Friday and its president responded by calling on Turks to take to the streets in a show of support for the government. A loud explosion was heard in the capital, Ankara, fighter jets buzzed overhead, gunfire erupted outside military headquarters and vehicles blocked two major bridges in Istanbul. (AP Photo)

Ankara4

PUNTLAND POST