Ceerigaabo(Puntland Post)-Magaalada Ceerigaabo ee Gobalka Sanaag waxaa soo gaaray wafti balaaran oo iskugu jira Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo kasoo jeeda Gobalkaas kuwaas oo doonaaya inay ka hirgeliyaan Gobalka Sanaag diwaan-gelinta Dadka codkooda ka dhiiban doona Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtinimada ee sanadka danbe ka dhici doona Somaliland.
Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo kasoo jeeda Bariga Sanaag ayaa sheegay inay Ceerigaabo u gaareen sidii ay Dadka dega Bariga Sanaag qayb uga noqon lahaayeen diwaangelinta Doorashooyinka ee ka socota Guud ahaan Somaliland, wuxuuse dhaliilay in degaanadaas la geeyo ciidamada Somaliland oo uu sheegay inay carqalad ku noqon karaan diwaangelinta.
Dhanka kale Puntland ayaa si aada isha ugu haysa dhaq-dhaaqyada ay Somaliland kawado Gobalkaas, waxaana Magaalada Badhan oo ah xarunta Gobalka Sanaag dhanka Puntland gaaray wafti horudhac u ah wafti balaaran oo iskugu jiro Wasiiro iyo xildhibaano kusii jeeda Gobalkaas, waxaana waftiga hor-dhaca ee gaaray Badhan hogaaminaya Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil(Akhri).
Waligeed doorashooyinka Somaliland kama aysan dhicin Gobalada Sanaag iyo Haylaan siiba qaybaha ay maamusho Puntland, Iyadoo ay dhawr jeer oo hore Ciidamada Puntland is-hor taageen diwaangelin iyo Doorashooyin ay Somaliland doonaysay inay ka hirgeliso Gobalkaas.
Labada Maamul ee Puntland iyo Somaliland marka laga yimaado muranka dhanka dhulka ee soo jiray 20-kii sano ee ugu danbaysay waxaa ka dhaxeeya wada shaqayn dhanka Amaanka, Iyagoo isku celiya hantida la kala dhaco iyo danbiilayaasha u kala baxsada labada dhinac.
Daawo Waftiga Somaliland oo ka hadlay arimaha diwaan-gelinta Sanaag
PUNTLAND POST