Degmada dangoroyo ee Gobalka Nugaal oo looga diyaar garoobaayo dorashada Maamulka degmadaas

Sawir horay looga qaaday Degmada Dangoroyo
Sawir horay looga qaaday Degmada Dangoroyo

Dangoroyo(Puntland Post)-Waxaa maanta si weyn looga dareemayaa Degmada Dangoroyo ee Gobalka Nugaal Doorashada Duqa Degmada iyo Ku-xigeenkiisa, waxaana halkaasi gaaray wafti Balaaran oo iskugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda Dawlada dhexe ee Puntland, kuwaas oo goob jooga ka noqon doona sida ay Doorashadu u dhacayso.

Golaha degaanka Degmada Dangoroyo oo ka kooban 25 xubnood ayaa soo dooran doona duqa degmadaas iyo ku-xigeenkiisa, waxaana xilka duqa degmada loolan adag ugu jira illaa labba xubnood oo kamida golaha degaanka Dangoroyo.

Degmada Dangoroyo oo kamida degmooyinkii soo jireenka ahaa ee ay degmada u aqoonsatay Dawladii Maxamed Siyaad Barre ayaa kamida 5-ta degmo ee uu ka kooban yahay Gobalka Nugaal.

Akhriso Liiska xubnaha Golaha degaanka degmada Dangoroyo

Dan 1

dan 2

dan 3

dan 4

Puntland Post waxay idiin soo gudbin doontaa sida ay u dhacdo doorashada Dangoroyo iyo cida ku guulaysata