Waan Cabsanayay Markii Iigu Horreysay Oo Aan Messi Arko

neymar

Neymar ayaa qiray inuu cabsi dareemyay markii ugu horrreysay uu arko Lionel Messi iyo saaxiibada kale ee Barcelona imaanshihiisii koowaad ee naadiga.

Xiddiga reer Brazil ayaa Barcelona uga soo biiray dhanka kooxda Santos bishii June ee 2013 wuxuuna tan iyo markaa u soo koray mid ka mid ah xiddigaha aan shakiga la galin Karin ee kooxda reer Catalan.

Laakiin Neymar ayaa u baahday waqti si uu ula qabsado xiddigaha ku hareereysan iyadoo laacibka ay dhalasho wadaaga yihiin ee Dani Alves uu ka caawiyay inuu Spain u dareemo sida gurigiisa.

2

“Waan baqanayay markaan arkay Messi iyo saaxiibada kale ka hor kulankeygii ugu horreeyay ee Barcelona,” Neymar ayaa sidaa u sheegay TV Globo.

“Waxaan soo galay qolka dher badelashada Messi, Xavi, Andres Iniesta, Gerard] Pique iyo Dani Alves dhammaan way joogeen. Xarfaantaan  waxay ahaayeen halyeeyadeyda.

“Waxayba ahayd ku dhawaad sida inaan ciyaarayay Playstation, aad ayay u adkeyd bilowgii.

“Dani Alves ayaa lagama maarmaan ii ahaa aniga markii aan imid Barcelona si uu iiga caawiyo inaan la qabsado aana noqdo waxa aan iminka ahay.”.

“Aad ayaan uga helaa isaga iyo wixii uu iigu sameeyay Barcelona.”.

Kayse Muse Ali

Puntlandpost

Garowe