Beesha Cali Jibraahiil oo iska fogaysay baaq been abuura oo loogu gafay Dawlada Puntland

Bosaaso(Puntland Post)-Wax garad kasoo jeeda Beesha Cali Jibraahiil oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa si aada isaga fogeeyey inay iyagu soo saareen Baaq shalay lagu faafiyey Baraha Internetka kaas oo lagu eedeeyey Dawlada Puntland inay iyadu masuul ka tahay dilal ka dhacay Gobalka Bari.

Wax garadkan oo ay ku jireen qaar magacyadooda lagu been abuurtay ayaa sheegay inuusan waxba ka jirin baqaas uusana ahayn mid kasoo baxay Beesha Cali Jibraahiil oo kamida beelaha dega Gobalka Bari.

Indheer garadkan ayaa ugu baaqay Baraha Internetka ee daabacay warkaas been abuurka inay joojiyaan dacaayada iyo magac dilista ay ku wadaan shaqsiyaad kasoo jeeda Beesha Cali Jibraahiil.

Waayadan danbe waxaa baraha bulshada kusoo badnaaya Dad Beelaha iyo wax garadka Soomaaliyeed ka faafiya  warar aysan waxba ka jirin,waxayna ahayd maalma kahor markii sidan oo kale war aan jirin ay iskaga fogaysay mid kamida Beelaha dega Gobalka Nugaal.

Jabr 2

Jabr 1

PUNTLAND POST