Muqdisho(Puntland Post)-Wafti ka kooban afar xubnood oo ka socda Midowga Afrika ayaa gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya si ay u qiimeeyaan habka ay u socoto Doorashooyinka dhawaan ka dhici doona Dalka Soomaaliya iyo sida loogu diyaar garoobaayo.
Waftigan ayaa kulamo la qaatay Madaxda ugu saraysa Dawlada Federaalka,AMIOM, Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo qaar kamida wakiilada Beesha Caalamka u jooga Magaalada Muqdisho.
Waftigan ayaa sheegay inay Soomaaliya u yimaadeen inay ogaadaan habsami u socodka diyaar garowga Doorashooyinka Dalka “Waxaan halkaan u nimid inaan qiimeyno sida uu u socdo howlgalka ciidanka AMISOM ,qaabka ay u socoto diyaar garowga doorashada sanadkaan 2016 ,waxyaabaha ay Soomaaliya u baahan tahay in laga taageero inta lagu gudajiro doorashada,in ay la xoojiyo howlgalka AMISOM” sidaas waxaa yiri gudoomiyaha guddiga Mr Olabisi Dare.
Weli maamuqato hal talaabo oo laga fuliyey jadwalkii Doorashooyinka Qaranka, xili ay Doorashadii Madaxtinimada ka harsan tahay wax ka yar labba Bilood.
PUNTLAND POST