Finalka Koobka Qaramada Yurub ee France iyo Portugal oo Goor dhow bilaabanaya

Paris-(Puntland Post ) Xulalka qaranka France iyo Portugal ayaa goor dhow oo caawa ah isaga hor iman doona Garoonka Stade de France ee magaalada Paris ee Dalka Farance Final-ka koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016, labada xul ayaa siyaabo kala duwan ku soo tiigsadeen kulanka kama danbaysta ah.

Xulka martigeliyayaasha  ah ayaa ugu cadcad inay hantaan koobka Euro 2016 waxaana ay ka horimaanayaan xul si lama filaan ah ku soo gaaray finalka maadama hal kulan oo kaliya uu si sax ah u soo badiyay marka la xisaabiyo 90-ka daqiiqo ee ciyaarta.

In kastoo  kulamada kama danbeysta ah ee Koobka Qaramada Yurub aan la saadaalin karin, iyadoo guuldaradii lama filaanka aheyd ee Portugal ka soo gaartay Greece finalkii 2004 ay tusaale u tahay.

Shaxda Macquulka ah ee Labada Xul

France: Lloris, Sagna, Koscielny, Umtiti, Evra; Pogba, Matuidi, Sissoko, Griezmann, Payet, Giroud.

Portugal: Rui Patrício, Cédric, Pepe, Fonte, Guerreiro, William Carvalho, Adrien, João Mário, Renato Sanches, Nani, Ronaldo.

Portugal v France

Kulanka: Finalka Euro 2016

Garoonka: Stade de France

Waqtiga: 10pm Saacadda Geeska Africa

Garsoore: Mark Clattenburg

PUNTLAND POST