Boqortooyada Sacuudiga oo faah-faahisay khasaaraha ka dhashay qarixii ka dhacay Masjidka Nabiga

Wax yar kahor qarixii Masaajidka Nabiga
Wax yar kahor qarixii Masaajidka Nabiga

Dawlada Sacuudiga ayaa sheegtay in qarax ismiidamin ah oo lagu weeraray Masaajidka Nabiga ee Magaalada barakaysan ee Madiina ay ku dhinteen afar sarkaal oo katirsan laamaha nabad galyada, ayna ku dhaawacmeen shan kale.

Qaraxa lagu weeraray Masaajidka Nabiga ayaa ahaa kii sadexaad oo ka dhaca Dalka Sacuudi Carabiya maalin gudaheed, iyadoo labadda qarax oo kalena ay ka dhaceen Magaalooyinka Jeddah iyo Qatif.

Sawiro lagu baahiyey warbaahinta bulshada kadib markii uu qaraxa ismiidaminta ah dhacay ayaa muujiyey qiiq is qabsaday hawada banaanka Masaajidka Nabiga, oo ah halka uu ku aasan yahay Nabi Muxamed nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaate.

Qaraxan ayaa Masaajidka ka dhacay wax yar ka hor inta aysan qoraxdu dhicin, xiligaas oo boqolaal qof isku diyaarinaayeen inay ku afuraan gudaha Masaajidka Nabiga.

Masaajidkan oo loo yaqaan Masjidu Al-Nabawi ayaa ah meesha labaad ee ugu barakaysan dunida marka laga yimaado Masajidka Xaramka ee Magaalada Maka oo ah halka ay kabacadu ku taal, waxaana xiligan oo kale ku cimraysta kumanaan qof oo iskaga kala yimi dunida.

Telefishka Dawlada Sacuudiga ayaa saacadu un yar kadib qaraxii Masaajidkaas muujiyey Kumanaan qof oo ku tukanaaya gudaha Masaajidka, taas oo muujisay inuusan wax cabsi ah ku abuurin Muslimiinta halkaas cibaadada u yimi.

Waxaa isa soo taraaya cambaaraynta loo jeedinaayo qaraxan argagixiso, Wasiirka arimaha dibada Dalka Iran, Javed Zarif ayaa sheegay inaysan argagixisadu waxba reebayn, wuxuuna ugu baaqay Suniyiinta iyo Shiicada inay u midoobaan diifaca goobaha barakaysan iyo Diinta Islamka, sidoo kale Mohammed bin Zayed al-Nahyan oo ah dhaxal sugaha amiirka Abu Dhabi ayaa ku baaqay inay Muslimiintu u midoobaan sidii ay Diinta Islaamka uga difaaci lahaayeen Gaangistaro dhiig doonata ah.

PUNTLAND POST