Dawlada Puntland oo dib u fasaxday idaacada Daljir oo 12 maalmood hawada ka maqnayd

Garowe(Puntland Post)-Warqad kasoo baxday Wasaarada Warfaafinta Puntland, uuna ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradaas Maxamuud Xassan Soocade ayaa lagu sheegay in dib loo fasaxay Idaacada Daljir oo 12 maalmood ka maqnayd hawada, markii ay Dawladu albaabada u laabtay.

Warqadan kasoo baxday wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Idaacada loo xiray markii ay ku kacday falal ka dhana nabad galyada Puntland, iminkana lagu fasaxay Cafis uu u fidiyey Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali.

Xariga Daljir waxaa si adag u cambaareyey ururka Saxafiyiinta Puntland,kuwa Soomaaliyeed, Hay’adaha udooda xaquuqda Warbaahinta, Hay’adda xaquuqul insaanka Puntland iyo Dawlada Maraykanka waxayna ugu baaqeen Dawlada Madaxweyne Gaas inay dhawrto xoriyada hadalka iyo Saxaafada.

Idaacada Daljir ayaa bisha Ramadan baahin jirtey barnaamij aqooneed ay ku tartamaan Dugsiyada sare ee Puntland.

idaac

PUNTLAND POST