Garowe(Puntland Post)-Wasiirka haweenka Dawlada Puntland Anisa Cabdiqaadir Xaaji Muumin iyo wafti ay hogaaminayso ayaa booqashooyin ay ugu kuur galayso mar xaladaha haweenka iyo caruurta ku tagtay degmooyinka Eyl iyo Gobajiraan iyo weliba tuulooyin hoostaga labadaas degmo oo katirsan Gobalka Nugaal.
Wasiirada ayaa booqatay degaanada Xasbahale iyo Dhaganle, iyadoo u kuur gashay mar xaladaha haweenka iyo caruurta ee ka jirta degaanadaas, waxayna kulamo la qaadatay dadka degaanka, siiba haweenka iyo dhalaanka.
Wasiirada ayaa Degmada Godobjiraan oo katirsan Gobalka Nugaal raashin ugu qaybisay 60 qoys oo danyara siiba kuwa indhaha la, waxayna la kulantay intii ay ku sugnayd Degmada Godobjiiraan Maamulka Degmada, iyadoo u kuur gashay mar xaladaha haweenka iyo carurta liita ee ku dhaqan degmada Godobjiiraan, sidoo kale Wasiirad Anisa Cabdiqaadir ayaa booqatay xarumaha Caafimaadka ee Degmada Godobjiiraan.
Wasiirada ayaa sidoo kale booqasho ku tagtay Degmada Eyl oo katirsan Gobalka Nugaal,waxayna daahfurtay Mashruuc weyn oo ku saabsan ka hortagga , waxay la kulantay Maamulka Degmada iyo Kan Haweenka , waxay booqasho ku samaysay Xaruumaha Haweenka wax lagu baro sida kuwa farsamada gacanta iyo xirfadaha kala duwan, waxay sidoo kale booqatay cusbitaalka weyn, ugu dambayn waxay soo xirtay mashruuc in mudda ah socday oo haween badan lagu baraayay sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen khayraadka badda, sida Nadaafadda Kaluunka, Jilaabashada Kaluunka, isla markaana dadkii dhamaystay tababrkan waxaa la gudoonsiiyay qalab ay wax ku qab sadaan.
PUNTLAND POST