Labba ruux oo ku geeriyooday dagaal beeleed ka dhacay Magaalada Laascaanood

Laascaanood(Puntland Post)-Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool waxaa maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeya labba beelood oo wada dega Gobalka Sool, kaas oo dhaliyey dhimashada labba nin iyo dhaawac ugu yaraan hal qof.

Iska hor imaadkan oo daba jooga dagaal beeleed maalmihii u danbeeyey ka socday Degaanka Dharkayn-geenyo ee koonfurta Gobalkaas oo u dhexeeyey labba beelood oo walaala ah ayaa saaka ka bilowday Laascaanood markii dagaal ka dhacay duleedka Magaalada ay ku dhinteen labba nin.

Labbada Beelood ayaa isku rasaaseeyey Bartamaha Magaalada Laascaanood, waxayna tani cabsi iyo welwel ku abuurtay Dadka Magaalada.

Gudomiyaha Gobalka Sool  ee Maamulka Somaliland Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa warbaahinta u sheegay in Magaalada lagu soo rogey bandow 24 saac ah si loo xaqiijiyo Amaanka Magaaladaas oo aan caga adag ku taagnayn.

Beelahan walaalaha ah ee ku dagaalamaya Gobalka Sool ayaa horay collaad beeleedkan iskaga dilay Dad ku dhow 20 qof, waxayna dagaaladan ka dhasheen xurgufo hore oo u dhexeeyey labbada Beelood.

PUNTLAND POST