Garowe(Puntland Post)-Magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland waxaa maanta looga diyaar garoobaayaa xuska maalinta xoriyada Soomaaliyeed ee 26-ka June, taas oo ku beegan maalintii ay Gobalada waqooyi ee Soomaaliya ay xoriyada ka qaateen gumaystihii Ingiriiska.
Maalintan oo qiimo weyn ugu fadhida umadda Soomaaliyeed ayaa ku beegan markii ugu horaysay oo Calanka Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo ka xorooba gumaystihii mudada dheer soo maamulaayey.
Dawlada Puntland ayaa maanta fasaxday guud ahaan shaqaaleheeda maalinta 26-ka june awgeed oo ku beegan 56 guuradii kasoo wareegtay xornimada umada Somaaliyeed.
Sidoo kale Puntland waxaa looga diyaar garoobayaa xuska 1-da Luulyo oo ku beegan markii ay xoriyada qaateen Gobaladii koonfureed isla markaana ay midoobeen Koonfur iyo waqooyi, waxayna Golaha wasiirada Puntland u magacaabeen gudi qaban-qaabiya xuska maalmaha xoriyada.
PUNTLAND POST