Waxay iska ahayd arrin caadi ah in mar kasta oo uu shirka tallaabo horay u qaado aad aragto ergooyinkii shisheeyaha ah xataa kowaadii aan imaan jirin shirka oo khudbooyin jeedinaya, sidaa daraadeed dhaarintii xubnihii cusbaa ee xil-dhibaannada ahaa waxaa ka soo qayb galay erggedi shisheeyaha ahayd intoodii badnayd, iyo odayaashii dhaqanka ee soo xulay xil-dhibaannada. DHaarintaas ka dib shirkii wuxuu yeeshay waji cusub, waxaa la qaaday talaabo cad oo meel laga dhaqaaqay meel kalana la gaaray, magacii erggeda shirka fadhisa waxaa bedelay magaca Xil-DHibaannada Dowladda Federal-ka Ku-Meel-Gaarka Ah, waxaa soo muuqday ifafaalo wanaagsan, dadkii shirka fadhiyay laakiin wali wallaac weyn baa jiray….
Waxaa jiray walaac weyn, waxaa jiray hub faro badan oo meel kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah daadsanaa, waxaa jiray dad aajnabi ah oo aan Soomaali ahayn oo dalka Soomaaliya cir, dhul iyo badba ka soo galay, cid ka war haysa waxay yihiin aysan jirin, haba ugu badnaadaan dadka ka soo talaaba xudduudaha dalka Itoobiya. Waxaa marka si sahlan loo wada dareemayay dowladda dhismaysay hawlaha hor yaala inaysan sahlanayn.
Waxaa kale oo intaas oo dhan ka darnaa hoggaamiyeyaasha kooxaha hubaysan ee waliba ka mid noqday xil-dhibaannadii cusbaa oo iyagu laftooda ahaa handdadaad cad oo aan la hubin sida run ahaantii ay ula shaqayn doonaan dowladda dhismaysa, iyo waliba dhibaatada fahamka Beelnimmada ee shacab-weynaha Soomaaliyeed oo la qiyaasiyay inay noqon karto mid ka hor imaanaysa nidaam kasta oo dowladnimo….wax kasta oo aad fiiriso waxay ku tusayeen rajada dowladnimmadii iyo qaranimmadii inay soo noqdaan inay tahay mid aa u yar ama u adag.
Balse iyadu ka waran fara gelinta shisheeye ee dalka ka jirtay?….waxaa shirka inoo qabtay oo inoo maamulayay kuwii dhinacyadii is dagaaliyay hubayniyay, taakulayniyay, taariikh ahaanna waxyaabo aan kala tirsanaynay!…intee in la eg baad malayn karaysaa, ama ku kalsoonaan kartaa dowladnimmada ka soo baxday shirka noocaas ah ee ay maamulayeen dowladihii hubayniyay kooxaha iska soo hor jeeday?! Maxaase diiday inay dib hubka isugu dhiibaan? Bal ka waran dowladaha waaweyn ama wax gumeysan jiray, ama xataa waligood dannahooda ugu ciil qabay Soomaaliya?!….wuxuuse warkaba ku dhammaa oraahdii Daniel Arap Moi, oo ahayd in Soomaaliya loo dhiso dowlad tag daran oo liidata!…mise waxaad u malaynaysaa in hadalkaas meel cidla ah ku dhacay ooaan la weelayn!..
Waxaa isagana saamayntiisa lahaa hadal uu jeediyay Dr. Admore Kambudzi oo ka soo jeeday dalka Zimbabwe, oo isagu ka mid ahaa guddiga xaqiiqo raadinta Soomaaliya u taga, ahaana sarkaaslka u qaabilsan xogta ciidammada kooxaha dalka ku sugan. Ninkan hadalkii uu jeediyay iyo xogtii uu bixiyay waxay feejignaan hor leh gelisay ergooyinkii shisheeyaha ahaa ee shirka fadhiyay, waxayna aad u dhiiri gelisay arrin in badan lagu muransanaa oo ahayd in Soomaaliya ciidamo shisheeye ah la geeyo .
Dr. Kambudzi, wuxuu aad uga sheekeeyay kulamo uu la yeeshay SHiikh Xasan Daahir Aways, wuxuuna sheegay inuu yahay xoog jira oo shaki la’aan ka hor imaanaya dowlad kasta, wuxuuna tilmaamay in Xasan Aways uu haysto ciidmo aad u xooggan oo isugu jira kuwo isaga horay ula socday iyo ciidamo kala oo iyagana aad u xooggan oo ka soo cararay gobollada Puntland, ahna niman aad oo u taba-baran oo ka tirsanaa Al-Itixaadkii gobolladaas kula dagaalamay SSDF-ta. Dr.Kambudzi ayaa sheegay in Ciidmmada Aways ay yihiin ciidammad keliya ee dalka jira ee u nidaamsan sidii ciidan dowladeed, isla markaasna leh hab askareed (Discipline) iyo kala dambayn.
Dr. Kambudzi, ayaa sidoo kale ku adkeeyay shirka inaan la yaraysan ciidammada uu SHiikh Xasan Daahir, ciidmmad kale ee dalka ku sugan ayuu ku dhamaan ka soo qaado wax aan macno lahayn, isagoo taas ku salayniya inaysan u dhisnayn qaab askareed isla markaasna aysan cidna wax amar ka qaadan oo aysan jirin cid xukunta. Wuxuu kaloo sheegay in ciidammada SHiikh Xasan ay haystaan daryeela xagga nolosha ah, ayna deggenyihiin sal-dhigyo iyo xerooyin u gaar ah, wuxuu kaloo Dr.Kambudzi sheegay in ay ub fiican haystaan oo aan la yaraysan karayn.
War-bixinta ninkaas uu shirka siisay sawir cad oo ku saabsan inaan dowlad kasta oo la dhiso aysan Muqdisho sahal ku gelayn, wuxuuna ku taliyay in ciidamo xoogan oo lug ah, oo qalabkoodu u dhanyahay ay ubaahantahay in dowladda dhismaysa ay gelbiyaan, wuxuuna si cad carabka ugu dhuftay in loo baahanyahay Tanks, iyo artillery, waliba wuxuu shardi ka dhigay haddii aan sidaas la yeelin inaysan jirin dowlad ka hana qaadi karta Soomaaliya, si gaar ah wuxuu u tilmaamay in cidda dowladda ka hor imaan karta ay yihiin wadaaddada.
Sida uu ninkaas u sawiray xaaladda Soomaaliya ergooyinkii shisheeyaha ahaa waxay ku noqotay sidii wax cusub oo aysan horay u ogeyn, wuxuuna SHiikh Aways ku sheegay inuu yahay nin madax adag oo meesha uu ku dhego aan ka fuqayn. Dr. Kambudzi ayaa war bixintiisii ku soo gunaanaday talo uu u jeediyay shirka isagoo leh dowladdii soo baxda waa lama huraan in ciidan lagu daro oo la sugo ammaankeeda…. Waxaana aad ugu guuxay taladiisa shir-weynaha gaar ahaan erggeda shisheeyaha ah
Beri la soco….