Muqdisho(Puntland Post)-Munaasabad si heer sare ah loo soo abaabulay oo lagu xusaayey 56 guuradii kasoo wareegtay markii Gobalada waqooyi ee Soomaaliya ay xoriyadooda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Munaasabadan balaaran waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Dawlada federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud, Raisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, Maamulka Gobalka Banaadir, cutubyo katirsan ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kala duwan.
Raisul wasaare ku-xigeenka Dalka Cumar Maxamed Carte ayaa hameenkan ku tilmaamay mid ku weyn quluubta umadda Soomaaliyeed, isagoo hambalyo u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay jogaan.
Madaxweynaha Dawlada federaalka Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, oo ugu horayn hambalyo u diray umadda Soomaaliyeed, ayaa dhanka kale ku baaqay in umadda Soomaaliyeed ay la yimaadaan gawrashiyo ku aadan dhibaatadii gaadhay Dadka waqooyiga si marka loo helo midnimada umadda Soomaaliyeed.
56 sano oo ay Soomaaliya xor ahayd ayey 26 sano oo kamida kusoo qaadatay Burbur iyo dagaalo sokeeye oo dabo dheeraaday.
PUNTLAND POST